Al Shabab oo xalay weerartay xerada AMISOM ee degmada Ceel Waaq

Ciidamada Al Shabab ayaa xalay weerar xoogan waxa ay ku qaaden saldhiga ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Busaar oo ku dhawaad 40 KM u jirta degmada Ceel Waaq ee gobolka Gedo.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu halkasi ka qarxay,iyada oo hubka cul culus la isku adeegsaday.

Warbaahinta Al Shabab weli kama aysan hadlin weerarkan,waxaana la soo sheegayaa in uu jiro khasaare xoogan.

Saldhiga la weeraray waxa ku sugnaa ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka ciidamada midowga Afrika ee AMISOM.

Al Shabab horaantii sanadkan waxa ay weerar culus ku qaaden saldhigii ciidamada Kenya ee deegaanka Ceel Cade,halkas oo lagu dilay ku dhawaad 200 oo ciidamada Kenya ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor