Al Shabab oo xalay weerartay Fariisimo ciidamada dowlada ay ku leeyihiin Gobolka Bakool

Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in xalay fiidkii ay dagaalamayaal Al Shabab ka tirsan ay weeraren dhowr fariisin oo ay Ciidamada dowlada ku leeyihiin degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Dagaal xoogan dhowr saac qaatay in halkasi uu ka dhacay inkastoo weli aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ee weerarka ka dhashay.

Warbaahinta Al Shabab ayaa sheegeysa in khasaare xoogan ay gaarsiyen dhinacii ay dagaalka la galen.

Dowlada Soomaaliya iyo AMISOM weli kama aysan hadlin wararkan sheegaya in xalay weerar culus lagu qaaday xarumo ay ku leeyihiin Gobolka Bakool.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor