Al Shabab oo xalay madaafiic ku weerartay xarunta Xalane ee ciidamada AMISOM

Ugu yaraan 5 madfac ayaa ku dhacday xarunta ciidamada AMISOM ee Xalane fiidkii hore ee Xalay sida dadka deegaanka ay sheegen.

warbaahinta Al Shabab waxa ay sheegen iney madaafiic ku garaacen xarunta Xalane,khasaare xoogana uu jiro.

Xalane waa xarunta ugu balaaran oo ay ciidamada AMISOM ku sugan yihiin magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka.

Sido kale Xarunta waxaa degan dhowr safaarad oo ay leeyihiin dalalka Soomaaliya taageera oo ay kamid yihiin Ingiriiska.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor