Al Shabab oo weerartay xerada AMISOM ee duleedka Qoryooley

Wararka ka imaanaya degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Al Shabab ay weerar xoogan ku qaaden saldhiga AMISOM ee duleedka degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelada Hoose.

Warbaahinta Al Shabab ayaa sheegeysa in weerar culus lagu qaaday xerada AMISOM ee tuulada Buula Sheekh ee duleedka Qoryooley.

Maamulka degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelada Hoose ayaa beeniyay wararka sheegaya in Al Shabab ay weeraren Xerada AMISOM ee duleedka degmadasi.

AMISOM weli kama aysan hadlin warkan,waxa ku soo kordha halkan ayaan ku soo daabici doonnaa insha allaah.