Al Shabab oo weerartay Saldhigii Ciidamada dowlada ee Deynuunay

Dagaalamayaal badan oo Al Shabab ka tirsan ayaa lagu soo waramayaa in saakay ay weerar culus ku qaaden Saldhigii ciidmada dowlada ee deegaanka Deynuunay ee duleedka Baydhabo.

Xaalada ayaa imminka degan sida wararka qaar ay sheegayan waxaana lagu soo waramayaa in khasaare xoogan uu jiro inkastoo aan la xaqiijin karin.

Al Shabab ayaa sheegatay in ay cagta marisay saldhigii ciidamada dowlada ee Deynuunay khasaare xoogana uu gaaray ciidamada dowlada.

Dowlada Soomaaliya weli kama hadlin weerarkan saakay lagu qaaday xarunta ciidamada ay ku leeyihiin Deynuunay.