Al Shabab oo Weeraray Kolonyo uu La Socday Gudoomiyaha Mandheera

Dagaalamayaal ka tirsan Xarakadda Al Shabab ayaa Weerar gaadmo ah ku qaaday Kolonyo uu la socday Gudoomiyaha Mandheera Cali Roba.

Weerarka waxa uu ka dhacay Wadada Arabia-Omar Ee Magaaladda Mandheera.

Hal Gaari ayaa ku gubtay Weerarka,Gaari kale ayaa weli la la’yahay,Gudoomiyaha Mandheera Cali Robana waa uu Badbaaday.

Xarakadda Al Shabab oo Sheegatay Masuuliyadda Weerarkan waxa ay sheegtay iney dishay Afar Askari.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor