Al Shabab oo Weerar Ku Dishay Hal Ruux Kuna Dhaawacday Laba Kale

Barre maadada Fiisikada ka dhiga Dugsiga Sare ee Xagar-dheer ayaa ku geeriyooday weerar ay kooxo hubeysan maanta ku qaadeen dhismo ku yaalla Xeradda Dhadhaab ee W/bari Kenya.

Weerarkaasi waxaa kaloo ku dhaawacmay saddex qof oo ka ag-dhawaa halka uu weerarku ka dhacay.

Dableyda weerarka qaaday oo tiradoodu dhamay 10-qof ayaa waxay xoog ku galeen Dhismo ay deegan tahay Hay’ad NGO oo ka shaqeysa Xerada Qaxootiga

Ilaaladda Xarunta iyo kooxihii weerarka soo qaaday ayaa isweydaarsaday tacshiirad, waxaana ku dhaawacantay 3 Sarkaal oo ka tirsan Ciiddanka Ilaaladda ka ah Xaruntaasi, kuwaasi oo ay xaalladooda aad u liidato.

Goobjooge lagu magacaabo Abdullahi Mohamed oo deggan Xagar-dheer ayaa u sheegay Wargeyska The Daily Nation in mid ka mid ah Saraakiisha ay caloosha kaga dhacday, halka labada kalena laga dhaawacay caloosha iyo lugaha.

Dhinaca kale, hawlihii cunto-qeybinta ee Xeradda Qaxootiga Dhadhaab aiyo dhaqdhaqaaqyaddii Hay’addaha NGO-yadda ayaa maanta si KMG ah loo  joojiyey.