Al Shabab oo sheegatay dilka 12 Kenyan ah iyo qabsashada 2 nool

Kooxda Al Shabab ayaa sheegatay iney weerar culus ku qaaden Kolonyo Ciidamada Kenya ah oo marayay inta u dhaxeysa Qoqani iyo Afmadow oo ka tirsan Gobolka Jubabda Hoose.

Warbaahinta Al Shabab ayaa baahisay in ugu yaraan weerarkasi lagu dilay 12 Ciidamada Kenya ah,noloshana ay ku qabsaden 2 askari halka sido kalena ay sheegten iney guben 6 gaari oo ay ciidamada waten.

Ma jiro wax war ah oo weli ka soo baxay Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya ee ku sugan Dalka Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor