Al Shabab oo Sheegatay Weerar Xalay Ka Dhacay Mandheera

Afhayeenka Dhinaca Howlgaladda Xarakadda Al Shabab Sheikh Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa sheegay in Al Shabab ay ka dambeyso Weerarkii Xalay ka dhacay Mandheera.

Afhayeenka oo la hadlay Wakaaladda Wararka Reuters Ee Dalka Britain ayaa sheegay in ugu yaraan Weerarka lagu dilay 1 qof islamarkaana ay ku dhaawacmeen 3 ruux oo kale.

Ciidamadda Dowladda Kenya oo Goobta gaaray Marka uu Weerarka dhacay ayaa bilaabay Howlgalo xoogan.

Al Shabab ayaa Toddobadkii hore Weerar ku qaaday Kolonyo uu la socday Gudoomiyaha Mandheera Cali Ibraahim Roba,4 qof ayaana Weerarkasi ku dhintay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor