Al Shabab oo Sarkaal Ka Tirsan Dowladda iyo Qoyskiisa Ku Dilay Gedo

Ciidamadda Xarakadda Al Shabab Ee Gobolka Gedo ayaa dilay Sarkaal sarre oo ka tirsanaa Militiriga Dowladda Soomaaliya oo Magaciisa lagu sheegay Iman Caddow,Xaaskiisa,iyo Afar Carruur oo uu isagga Dhalay.

Dilka ayaa ka dhacay Degmadda Luuq Ee Gobolka Gedo.

Xarakadda Al Shabab Weli kama aysan hadlin Dilkan oo dadka deegaanka ay sheegeen iney geysteen Rag ka tirsanaa Al Shabab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor