Al Shabab oo la wareegtay Deegaanka Ceel Baraf Ee Gobolka Shabeelada Dhexe

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa sheegaya in Kooxda Al Shabab ay saakay la wareegtay deegaanka Ceel Baraf Ee gobolka Shabeelada Dhexe kadib markii ay halkasi isaga baxen Ciidamada Dowlada.

Al Shabab ayaa dadka deegaanka ku kala hadlay halkasi iyaga oo galay dhowr guri oo looga shakisan yahay iney ku jiran Odayaasha dhaqanka ee deegaanka oo ay raadinayan Al Shabab.

Warar kale oo aan weli la xaqiijin ayaa sheegaya in Al Shabab ay weerar gaadmo ah ku qaaden Ciidamadii Dowlada ee halkasi ka soo baxay,waxana la soo sheegaya inuu khasaare xoogan jiro.

AMISOM ayaa saldhig ciidan ku leh deegaanka Ceel Baraf oo ay saakay galen Al Shabab,xaalada ayaana kacsan sida dadka deegaanka ay sheegayan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor