Al Shabab oo Dad ka badan 30 ruux ku xir xirtay Jilib

Warar ka imaanaya Degmada Jilib Ee Gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in Dagaalamayaal ka tirsan Al Shabab ay xir xiren dad ka badan 30 ruux oo lala xiriiriyay Kooxda Daacish.

Dadka la xir xiray waxa ku jira dad ajaanib ah sida ay xaqiijiyen ila wareedyo lagu kalsoon yahay.

Al Shabab ayaa ku eedeysay dadkan la xir xiray iney Degmada Jilib ku daadiyen warqado taageero loogu muujinayay Kooxda Daacish oo hore u dalbatay iney Al Shabab ku biirto Khilaafadooda.

Dhawaan ayay ahayd markii Al Shabab ay ku xirtay 5 Dagaalame oo ajaanib Magaalada Jamaame Ee Gobolka Jubbada Hoose,dadkas oo iyagana lagu eedeyay iney waden qorshaha Daacish ay ku dooneyso in Al Shabab ay ku biirto khilaadeeda si lamid ah sidii ay sameysay Kooxda Boko Xaram Ee Dalka Nijeriya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor