Wararka ka imaanaya magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Al Shabab ay weerar xoogan ku qaaden kolonyo Kenyan ah oo galbinayay hub iyo agab militari oo ku wajahnayd xarun militari oo ay Kenya ku leedahay deegaanka Taabto sida wararka ay sheegayan.
Ciidamada Al Shabab ay gubay hal gaari oo kamid ahaa kuwii weerarka uu ku qabsaday duleedka Dhoobley sida warbaahinta Al Shabab ay baahiyen.
Weli lama xaqiijin karo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkasi,balse waxa la soo sheegayaa in khasaare xoogan uu jiro.