Al-Shabaab oo xukun dil toogasho ah Galabta ku fuliyay 5 Dhalinyaro ah

Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaalla duleedka Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka B aay waxa ay xukun dil ah ku fuliyeen rag ay ku eedeeyeen in ay la Shaqeynayeen Dowladdaha  mareykanka iyo Soomaaliya.

Xukunkaan dilka ah ayaa wax ay Galabta ka fuliyeen deegaanka Iidaale oo qiyaastii magaalada Baydhabo ujira 60 KM,waxa ayna ku fuliyeen ilaa 5 Ruux oo ay ku eedeyeen in ay la Shaqeynayen Mareykanka, iyo Maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Hoos Ka Akhriso Magacyada raga Galabta ay Al-Shabaab xukunka dilka ah ku fuliyeen.

1:- Mahad Cali Xasan waxa ay Al-Shabaab ku eedeeyen in uu la Shaqeynayay Bangarafka ee Maraykanka.

2:- Jibriil Saalax Xaaji Maxamed waxa ay ku eedeeyeen in uu la Shaqeynayay sirdoonka dowladda Soomaaliya.

3:- Mahad Cabdi Axmed waxa ay ku eedeeyen in uu la Shaqeynayay Sirdoonka maamulka Jubbaland.

4:- Maxamed Cali Aadan oo ay ku eedeeyen in uu la Shaqeynayay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo C/casiis Ibraahim Maxamed oo ay ku eedeeyen in uu la Shaqeynayay Maamulka Koonfur Galbeed soomaaliya kuwaas oo dhamaantood ay toogten.

Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale tira ka dhowr jer wax ay xukuno noocaan oo kale ah ka fuliyeen Gobolada ay dalka soomaaliya ka maamulaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media