Al-Shabaab oo weeraray Saldhig Ciidan oo ku yaalla Shabeellaha Dhexe

Al-Shabaab ayaa saakay aroortii waxa ay weerar qorsheysan ku qaadeen Saldhig ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga Soomaaliya ku leeyihiin qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarkaan ayaa ka dhacay fasriisin ay ciidamada dowladda ku leeyihiin wadada Basra, gaar ahaan halka loo yaqaan Kala wareega oo u dhaxeeya degmooyinka Balcad iyo Afgooye.

Warar ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihin Internet-ka Al-Shabaab ayaa waxa ay ku sheegeen in weerarkaas lagu dilay ilaa lix Askari oo ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya sida ay hadalka u dhigeen.

Majirto wax war ah oo dhankooda ka soo bxay Saraakiisha ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo waliba Maamulka degmada Balcad.

Bilihii u dambeeyay Al-Shabaab ayaa waxa ay weeraro kala duwan ka geesteen degmooyin ku yaalla bartamaha iyo Koonfurta dalka Soomaaliya

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media