Al-Shabaab oo weeraray Saldhig ay leeyihiin Ciidamada Kenya

Habeenimadii xalay ayaa rag hubeysan oo la rumeysan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab waxa ay tiro hoobiyayaal ah ku garaaceen Saldhig ciidamada Dowladda Kenya ku leeyihiin deegaanka Ceel-raam oo dhaca Waqoyi bari ee dalka Kenya.

Dadka deegaanka qaarkood ayaa Warbaahinta waxa ay u sheegeen in uu jiro khasaaro soo gaaray Ciidamada Kenya ay madaafiicda lagu weeraray balse aan weli la ogaan maadaama ay aheyd xili habeen ah.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Kenya ayaa Warbaahinta Gudaha waxa ay u sheegeen in ay ka warhayeen weerarkan kaga soo wajahnaa dhanka Al-Shabaab isla markaana ay ka hortgeen balse waxa ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan khasaaraha gaaray.

Dhinaca kale War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in madafiicdii ay tureen ay la heleen Saldhiga Ciidamada Kenya isla markaana ay ka dhasheen khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo  gaaray Ciidamada Kenya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media