Al-Shabaab oo weeraray deegaan ku dhow degmada Xudur iyo Guluf Colaadeed oo laga dareemayo

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo Ciidamada Al-Shabaab iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ku dhex maray  tuulooyin hoostaga degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Al-Shabaab ayaa xalay fiidkii weerar ku qaaday deegaanka Gubad Galoole oo u dhow degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool,waxana Al-Shabaab ay marka hore ku qaadeen weerar hoobiyayaal kaas oo markii dambe isku bedelay dagaal labada dhinac dhex maray.

Al-Shabaab ayaa Warar ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka  waxa ay ku sheegen in gacan ku heynta deegaanka Gubad Galoole oo u dhow degmada xudur ay la wareegeen balse Saraakiil ka tirsan ciidamada Koonfur Galbeed ay warkaasi beeniyeen.

Wararkii u dambeeyay ee nasoo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu saakay ay tahay mid degan marka laga reebo Ciidamada Koonfur Galbeed oo wda dhaq dhaqaaqyo ciidan.

Degmada Xudur ayaa waxaa ku sugan Wadaadka muqtaar Rooboow oo horay uga tirsanaa Saraakiisha Al-Shabaab balse dowladda isku soo dhiibay kaas oo laba Maalin ka hor halkaasi tegay.

Guud ahaan gobolada Baay iyo bakool ee deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa laga dareemayaa guluf dagaal oo ay wadaan ciidamada Koonfur Galbeed,iyada oo Saraakiishu ay sheegeen in ay qaadi doonaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media