Al-shabaab oo weerar khasaaro dhaliyey ku qaaday Saldhig Boliiska Kenya ay ku leeyihiin Mandheera

Kenya waxa ay sheegtay in weerar ay uga shaki qabaan in uu uga yimid Alshabaab looga dilay hal askari oo ka tirsanaa Boliiska Kenya, weerarkan ayaa lagu qaaday saldhig ku yaala gobolada waqooyi ee Kenya gaar ahaan Magaaladda Mandheera.

Xiriiriyaha Gobolka Waqooyi bari ee Kenya Maxamuud Saalax ayaa khamiistan maanta ah sheegay in Alshabaab ay weerar kusoo qaadeen Saldhigan boliis oo la yiraahdo Lafeey waxa uu intaas ku daray in labo baabuur looga gubay weerarkan oo xilli hore oo saaka ah lagu soo qaaday.

Dhacdadan ayaa imaaneysa kadib markii Alshabaab ay seddax qof ku dileen weerar ay ka geysteen koofurta Kenya sidoo kalana waxa ay kusoo beegmaysaa iyada oo afar maalin oo kaliya ay harsantahy doorashada qaran ee Kenya oo dhici doonta talaada soo aadan.

Al-shabaab ayaa horey ugu hanjabay in ay carqaladeyn doonaan doorashadan oo ay si caadi ah u dhici doonin inta uu socday u diyaargarowga doorashada dhinaca kale al-shabaab ayaa waday weeraro ay gobolada ka geysteen, iyada oo gobolada qaar dadkii daganaa ay ka qaxeen cabsi ay qabaan darted.

Warbaahinta Kenya ayaa qortay in Al-shabaab ay kor u qaadeen weerarada ay ka geysanayaan Magaalooyinka Xuduudaha ah sida Mandheera iyo Laamuu, waxa ay Al-shabaab Kenya dhexdeeda ka geysteen boqol weerar kuwaas oo ay ugu yeereen in ay jawaab u yihiin soo daad guraynta ciidamada Kenya ee Soomaaliya soo galay 2011-kii

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media