Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa saakay aroortii waxa ay weerar ku qaadeen fariisin Ciidamada Maamulka Puntland ay ku leeyihiin deegaanka Af-urur oo ah duleedka Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari Puntland.
Dagaalka oo socday mudo ku dhow saacad,ayaa waxaa lesku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,iyadoo dadka deegaanka qaarkood ay dalsan u sheegeen in daryanka Madaafiicda leysku adeegsanayay ay ka maqlayeen deegaanka uu dagaalka ka socday.
Weli lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas,balse Saraakiil ka tirsan Ciidamada Maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegeen in ay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhanka dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Puntland kana baxay Magaalada boosaaso ayaa ku biiray dagaalka taas oo keentay in ay Al-Shabaab dib ugu laabtaan halkii ay markii hore ka soo weerar tageen ee Buuraha Galgala ee isla Gobolka Bari.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya deegaanadii lagu dagaalamay ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu ay iminka tahay mid kacsan islamarkaana Ciidamada Puntaland ay wadaan dhaqdhaqaaqyo Ciidan.