Al-Shabaab oo weerar ku dilay taliyihii Ururka 19,aad ee qeybta 12ka April

Sarkaalkaan ayaa ku geeriyooday weerar Barqanimadii Maanta ka dhacay duleedka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe kadib markii gaari uu la socday ay Al-Shabaab  wadada u galeen.

Sarkaalkaan oo ahaa taliyihii Ururka 2,aad ee guutada 1,aad Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Col,Maxamed Raage Tifoow kaas oo gaarigiisa la weeraray.

Sidoo kale waxaa  weerarkaas la sheegay in ay ku dhinteen Ciidamo kale oo la socday Gaarigiisa oo uu haleeyay Qoriga Baasuukaha xili ay marayeen halka loo yaqaano Hansheekh oo u dhaxeysa tuulada Gololeey iyo degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Sikastaba Wadada xiriirisa Balcad iyo jowhar ayaa bilihii u dambeysay waxa ay aheyd mid ay ka dhacayeen weeraro joogto ah oo ay fuliyaan Al-Shabaab kaas oo lala eegto Gawaarida Ciidamada dowladda iyo kuwa Madaxda Hir-Shabeelle xiliga ay Wadadaas ku socdaalayaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media