Al-Shabaab oo War ka soo saaray Qaraxii ka dhacay degmada Wadajir

Qaraxii dadka abdan ay ku dhinteen ee maanta ka dhacay Xarunta maamulka degamda Wadajir ee Gobolakan Banaadir ayaa waxaa ka hadlay Al-Shabaab iyagoo sheegtay in ay la haayeen masuuliyada qaraxas islamarkaana ay ka dambeeyaan.

Al Shabaab waxay sheegtay in Ruux isasoo miidaamiyay uu isku qarxiyay Xarunta degmada islamarkaana qaraxa ay la heleen Bartilmaameed gaar ah oo hadaf u ahaa,islmarkaana ay ka gaareen dantii ay ka la haayeen War ay ku soo qoreen Baraha ay ku leeyihiin Intarnetka.

Al-Shabaab faah faahino dheerad ah kama sii bixin qaraxaas iyo khasaaraha ka dhashay,balse Wararka ay heleyso Idaacada Dalsan ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxaas ay ku geeriyoodeen in ka badan 15 Ruux halka dhaawacuna uu intaas ka badan yahay.

Wararka ayaa sidoo kale waxa ay sheegayaan in uu ku dhaawacmay gudoomiyaha Cusub ee degmada Wadajir Cumar Cabdullaahi Xasan oo isagu uu ku sugnaa Xarunta degmada.

Ciidamo ka tirsan dowaldda Soomaaliya ayaa haatan ku sugan Goobtii uu qaraxa ka dhacay waxana sidoo kale gaaray masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya,iyada oo la filayo in goordhow ay qaraxasi faah faahin ka bixiyaan Saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media