Al-Shabaab oo War ka soo saaray qaraxii degmada Waaberi

War qoraal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegtay masuuliyaddda Qaraxii dadka badan ay ku dhinteen ee Maanta lgu weeraray Saldhiga degmada Waaberi ee Gobolkaan Banaadir.

Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegeen in qaraxaasi uu ka dambeeyay ruux naftiis hure ah oo isasoo miidaamiyay kaas oo Gaari ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa ku dhuftay Albaabka hore ee Saldhiga degmada Waaberi.

Warka qoraalka ah oo ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxaas ay ku geeriyoodeen ila 10 Askari oo ka tirsn Ciidamada dowaldda Federaalka Soomaaliya,balse war iyana ka soo baxay Wasaarada Amniga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in qaraxaas ay ku geeriyoodeen 5 ruux oo Shcab ah.

Sikastaba Ciidamada xasilinta amniga Muqdisho ayaa weli waxa ay Muqdisho ka wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo dhanka amniga balse ay dhacayaan qaraxyo ismiidaamin ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media