Al-Shabaab oo War ka soo saaray duqeyn ka dhacday Gobolka Baay

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Ciidamada Militariga Mareykanka Africa ee loo yaqaano AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in Duqeyn ay ka fuliyeen deegaanka Buur Ceelcade, kaas  oo u dhaxeeya Xabaal barbaar, Diinsoor iyo Buurhakaba balse waxaa Warkaas beeniyay Al-Shabaab.

Idaacadda Andulus oo ku hadasha Afka Al-Shabaab ayaa iyada oo soo xiganeysa Afhayeenka dhanka Howlgallada u qaabilsan Al-Shabaab oo lagu Magacaabo Cabdi Casiis Abuu Muscab”waxa ay gebi ahaanba sheegeen in aysan jirin wax duqeyn ah oo Gobolka Baay ka dhacday.

Sidoo kale Shabaab ayaa shegya in Warkaas uu yahay mid Mareykanka uu ku doonayo in uu ku daboolo guuldaradii ka soo gaartay dagaalkii ay la galeen sida lagu qoray Baraha ay Al-Shabaab Wararka ku qortaan.

Todobaadyadii la soo dhaafay Mreykanka ayaa kordhiyay duqeymaha uu ka fulinayo Gudaha Soomaaliya,waxaana Bishaan Gudaheeda dhacay in ka badan 10 Duqeyn oo uu Mareykanka sheegay in lagu dilay Rag ka tirsan Shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media