Al-Shabaab oo toogatay labo nin ajnabi ah oo ka tirsanaa ururkooda kadib markii shaki laga muujiyay

Kooxda Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa inay toogteen labo nin oo u dhalatay dalka Hindiya ,kuwaasoo ka tirsanaa dagaalyahanada Al-Shabaab.

Sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka labadaasi nin ayaa Al-Shabaab waxa ay uga shakiyeen in ay ka tirsan yihiin sirdoonka dalalka reer Galbeedka, halka warar kale ay tilmaamayaan in labadaasi nin damceen in ay ku biiraan kooxda Daacish ee Soomaaliya.

Dilkaan oo ka dhacay degmada Jilib ee gobolka J/Dhexe halkaasi oo Al-Shabaab ay ku xoogan yihiin, iyadoo aysan aheyn markii ugu horeysay ee ajaaniib ka tirsan Al-Shabaab toogtaan. Waxaa horay ay u qaarijiyeen Abuu Mansour Al-Amriiki.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor