Al-Shabaab oo soo saaray digniin ku socota dadka ku nool Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya

Al-Shabaab ayaa ku goodisay in ay dili doonaan Cidii ka qeyb gasha doorashada la filayo in ay dhawaan ka dhacdo dalka Kenya ee ku sugan Gudaha Gobolka Waqooyi Bari ee isla dalkaasi Kenya.

War Qoraal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay diyaar u yihiin in ay la dagaalamaan cidkasta oo doorashadaas ka qeyb qaadata,waxana sidaasi sheegay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo Magaciisa lagu sheegay Axmed Imaam.

Warkaan ayaa sidoo kale loogu baaqay Shacabka ku nool Gobolka Waqooyi Bari in ay dantooda gartaan islamarkaana aysan u bareerin ka qeybgalka doorashada dalkaasi ka dhaceysa 8 Bisha soo socota ee Agoosto.

Lama oga Go’aanka ay qaadan doonaan Shacabka ku nool Gobolka Waqooyi Bari ee dalka kenya,wxaana Warkaan uu sidoo kale ku soo aadayaa xili dhowr jeer ay Al-Shabaab weeraro ka geesteen Gudaha Gobolka Waqooyi Bari

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media