Al-Shabaab oo soo saaray Bayaan ku saabsan Go’aankii Trump ee Magaalada Qudus

Ururka Al Shabaab ayaa soo saaray Bayaan ku cad mowqifkooda ku aadan go’aankii Donald Trump ee Magaalada Qudus uu ugu aqoonsaday inay tahay caasimadda Israel. 

Bayaanka Shabaab ay soo saareen oo ku qornaa Luuqada Carabiga, ayaa waxa ay ku sheegeen in Magaalada Qudus ay tahay dhul Muslimiinta ay leeyihiin, iyagana ay difaacan 

“Kedis naguma ahayn hadalka kasoo yeeray, Trump Iyo ku dhawaaqistii uu ku sheegay in Qudus-ta muslimadda ah ay tahay caasimadda Israel, sidoo kalana lama aynaan fajacin sida liidnaanta ku jirto ee dhawaaqiida dabadhilfiyada u ah reer galbeedka ay u meel mariyeen heshiiskan, kani waa dhaqankooda, taasina waa wadada ay ku dulleynayaan shucuubta, kuna ihaaneysanayaan muqadasaatkooda.” ayaa lagu yiri bayaanka. 

“Waxaan Anigu yaqiiinsannahay in Yahuuda, Nasaarada iyo Murtadiintuba yihiin cadowga Umadeena laga soo billaabo tan iyo markii lasoo saaray Nabi Muxamed SCW, mana ka zuuleyno inaan loolan kula jirno iyaga illaa Alle ka dhaxlo dhulka iyo wax dul saaran, Beytul Maqdas dartiisa iyo in wasakhda Yahuudda laga nadiifiyo masjidka barakeysan ee Al-Aqsaa, manaraadihiisana laga taago Raayada Towxiidka ayay u soo nafiireen koox ka tirsan Muslimiinta, iyagoo ka jawabaya baaqa Rabigooda, intaas kadibna ka dhabeynaya dhaartii shahiidka Umadda, sidaan u rajeyneyno Sheykh Usaama bin Laadin –Taqabalahullaah- markii uu ku dhaartay inuu soconayo dagaalka illaa aan uga gargaareyno Falastiin ama aan dhadhamineyno wixii uu dhadhamiyay Xamza bin Cabdil Mudhalib Radiyallahu canhu, welina dhawaqa dhaartiisii caanka ahayd kama tagin inay ku soo dhacdo dhegaha kuwa qiirada badan ee ka mid ah wiilasha Islaamka.” ayaa lagu yiri bayaanka. 

Amiirka Al Shabaab Bayaanka uu soo saaray ayaa wuxuu ku sheegay inay dhiiragelinayaan muslimiinta kala duwan ee shucuurtooda muujiyay iyo kuwa weli wada dagaalka hadafkiisa uu yahay ka xureynta Yuhuuda Magaalada Qudus.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media