Al-Shabaab oo sheegtay weerar ka dhacay gobolka Jubbada Hoose

Wararka aan ka heleyno qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in xalay deegaanka Hosingoow uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Kenya iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Fariisinka Ciidamada Kenya oo ku yaala deegaanka Hoosingoow taas oo keentay in halkaasi uu dagaal culus ku dhexmaro.

Al-Shabaab ayaa Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxa ay ku qoreen in weerarkaas ay iyaga ka dambeeyeen islamarkaana ay ku dileen ciidamo ka tirsan kuwa Kenya iyo kuwa Maamulka Jubbaland oo hal fariisin ku wada sugnaa.

Dhanka kale xiriir ayaan la sameynay Saraakiisha Ciidamada Jubbland ee gobolka Jubbada hoose basle waa ay diideen in ay ka hadlaan dagaalkaas iyo khasaaraha ka dhashay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media