Al-Shabaab oo sheegtay Masuuliyada weerar lagu dilay Askar u dhashay dalka Kenya

Wararka aan ka heleyno degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegaayn in Rag loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ay weerareen Mid ka mid ah Shirkadaha dowaldda Kenya oo halkasi ku yaala.

Rag Bustoolado watay ayaa sida la sheegay ka qeyb qaatay weerarkaas waxaana warar ay Baraha Internet-ka ku qoreen Al-Shabaab ayaa waxa ay ku shegeen in weerarkaas ay ku dileen Saddex Injineer oo la Shaqeynayay Ciidamada Kenya.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in weerarkaas uu u dhacay sidii loogu talo galay,isla markaana Injineerada ay dhanka dhismaha ay u qaabilsanayeen ciidamada Kenya oo fariisin ku leh Magaalada dhoobleey.

Weli wax war ah dahnkooda kama soo bixin Saraakiisha Ciidanka Jubbaland iyo kuwa Kenya ee degmada Dhoobleey kaas oo ay ku faah faahinayaan weerarka lagu dilay saddex Injineer oo u dhashay dalka kenya

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media