Al-Shabaab oo sheegtay la wareegitaanka deegaano hoostaga D/Baraawe

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Amisom ay xalay isaga baxeen deegaano hoostaga degmada Baraawe ee Gobolkaas.

Macada sababta ka dambeysa ka bixitaankooda balse dadka ku sugan deegaanka Rasadaay ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in xalay ay arkayeen Ciidamada Amisom gaar ahaan kuwa Uganda oo deegaankaas ku sugnaa in ay baxayeen iyaga oo watay Gaadiidka dagaalka.

Al-Shabaab ayaa Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxa ay ku sheegeen Gacan ku heynta deegaanka Rasadaay ee duleedka Baraawe ay sinabad ah kula wareegeen.

Wararkii u dambeeyay ay Dalsan heleyso ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamadii isaga baxay deegaankaas ee Uganda ay gaareen degmada Buulo Mareer ee isla Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dhanka kale waxaan xiriir la sameynay Maamulka degmada Baraawe si aan wax uga weeydiino arrintaan balse kama jawaabin taleefoonadeena.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media