Al-Shabaab oo sheegtay in weerarkii xalay ay ku dileen Shaqaale Ajnabi ah

Al-Shabaab ayaa ka hadlay weerarkii iyo dagaalkii xalay lagu qaaday Maqaayadaha Pizza House iyo Posh Treats,weerarkaas oo geestay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ah.

Al Shabaab waxay sheegtay in weerarka lagu bilaabay gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay kadibna waxaa xigay toogasho ay fulinayeen ciidamo hubeysan oo ka tirsanaa Al-Shabaab ku was oo gudajha u galay Maqaaayda Pizza House.

War ay ku soo qoreen Baraha ay ku leeyihiin Intarnetka ayaa waxa ay ku sheegeen in ay weerarkaas ku dileen Shaqaalo Ajabi ah iyo oo kala ah haween udhashay wadamada Kenya iyo Itoobiya iyo ajaanib kale. madax ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya islamarkaana ay ka gaareen dantii ay ka lahaayeen.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iyana sheegtay in weerarkii halkasi ka dhacay ay soo afjareen islamarkaana ay toogteen dhamaan ragii weerarka goobta ku soo qaaday.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media