Al-Shabaab oo sheegtay in Saanad Meleteri ku qabsadeen dagaalkii Buula Gaduud

Aroornimadii hore ee saaakay ayaa Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab waxa ay weerar ku bilaawday qarax Ismiidamin ah ku qaadeen deegaanka Buula Gaduud ee gobolka Jubbada Hoose halkaas oo ay Gacanta ku hayaan Ciidamada Jubbaland.

Dagaal qaatay mudo ka badan 2 Saacadood ayaa Buula Gaduud ku dhexmaray ciidamada Shabaab iyo kuwa Jubbaland in kastoo aan la ogeyn ilaa iyo hada khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaas.

War qoraal ah oo ay Barta Internet-ka soo dhigeen Al-Shabaab ayaa waxa ay ku sheegeen in ay deegaankaas kala wareegeen Ciidamada Jubbaland sidoo kalena ay ka qabsadeen gaadiidka dagaalka iyo waliba  Saanad Meleteri intaba.

Dhanka kale weli Saraakiisha Ciidamada Maamulka Jubbaland kama hadlin weerarka Ismiidaaminta ah ee lagu qaaday deegaanka Buula Gaduud ee Gobolka Jubbada Hoose iyo khasaaraha dhankooda ka soo gaaray.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media