Al-Shabaab oo sheegtay in ay dileen Sarkaal ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya

Wararka aan ka heleyno degmada Ceel-Waaq ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in degmadaasi lagu dilay Sarkaal ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Kooxo Hubeysan ayaa la sheegay in  ay Gurigiisa ku dhex  dileen Col,C/Rashiid Barre Gurxan oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka Soomaliya ee Gobolka Gedo.

Kooxdii ka dambeysay dilka Sarkaalka ayaa Goobta ka baxsatay,waxana lagu soo waramayaa in haatan gudaha degmadas ay ka socdaan howlgallo baaritaano ah.

Dhanka kale War qoraal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in rag ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen guriga taliye ku xiegenka islamarkaana y fuliyeen dilkaas.

Col,ayaa maalmihii u dambeysay qeybo ka mid ah degamda Ceelwaaq ee Gobolka Gedo waxa uu ka waday dhaqdhaqaqyo ka dahn ah Al-Shabaab iyo howlgallo joogto ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media