Al-Shabaab oo sheegtay in ay dileen Ciidamo ka tirsan Koonfur Galbeed

Al-Shabaab ayaa Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxa ay ku qoreen in ay Askar ka tirsan Ciidamda Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ku dileen gobolka Bakool.

Waxa ay sheegeen in ciidamadaas xili ay marayeen inta u dhaxeysa Magaalooyinka Xudur iyo Bardaale ee Gobolka Bakool ay Wadada u galeen taas oo keentay in ay dilaan ilaa 5 askari sida ay hadalka u dhigeen.

Al-Shabaab waxa faah faahin dheeraad ah maka bixin weerarkaas ay sheegeen in ay ku qaadeen ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dhanka kale Dalsan ayaa xiriir la sameysay Maamulka Gobolka Bakool si ay wax uga weeydiiso weerarkaas balse uma  suurtagelin in ay helaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media