Al-Shabaab oo sheegtay in 35 Askari ku dileen qaraxyadii ka dhacay deegaanka Af-Urur

Dadkii dhaawacyadu ay ka soo gaareen laba ka mid ah weerarkii qaraxayada ahaa ee shalay kadhacay deegaanka Af-urur ee duleedka Buuraleyda Galgala ayaa ku geeriyoodey isbitaalka guud ee degmada Carmo ee gobolka Bari, halka afar kalena ay horay u geeriyoodeen.

Maamulka Isbitaalka guud ee Carmo ayaa warbaahinta u xaqiijiyay geerida dadkaan,iyaga oo sheegay in shalay gelinkii dambe ay 4 kale ku geeriyoodeen Gudaha Isbitalka kuwaas oo ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay deegaanka Af-Urur.

War Qoaral ah oo ka soo baxay l-Shabaab, islamarkaana y ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka ayaa waxa ay ku sheegeen in qaraxyadaasi ay ku dileen ilaa 15 Askari oo ka tirsan ciidamada Maamulka puntland.

Weli Saraakiisha Puntland dhankooda kama hadlin  qraxyadaas iyo khasaarha rasmiga ah ee ka dhashay,iyada oo weli ciidanka Puntland ay howlgallo ka wadaan Xaafado ka tirsan deeganka Af-Urur ee Gobolka Bari oo ah halkii ay qaraxyada ka dhaceen.