Al-Shabaab oo sheegtay dil Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho

Fiidnimadii Caawa ayaa waxaa degmada Xamarweyne gaar ahaan Xaafada lagu Magacaabo Koodka lagu dilay laba Wiil oo la sheegay in ay ka mid ahaayeen dhalinyarada Xaafadaas.

In kastoo ay baxsadeen kooxihii ka dambeeyay dilkaas balse waxaa masuuliyada sheegtay Al-Shabaab,oo sheegay in ay labadaasi Dhalinyarada ah ahaayeen Saraakiil ka tirsan ciidamada Nabadsugida Soomaaliya.

Al-Shabaab masoo bandhigin Magacyada dhalinyaradaas Caawa fiidkii lagu toogtay Xaafada Koodka ee degmada Xamarweyne balse xiriir aan la sameynay Maamulka degmada Xamarweyne ayaa sheegeen in aysan waqtigaan ka hadli Karin.

Habeenadii la soo dhaafay ayaa Muqdisho ka dhacay dilal qorsheysan oo loo geysanayay dad u badan Ciidamada dowladda Soomaaliya waxaana barbar socda howlgallo ay wadaan ciidamada xasilinta.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media