Al-Shabaab oo Malaayin Dollar ka hela Gargaarka loogu talo galay Soomaaliya

Warbixin uu diyaariyay Tv-ga CNN ee laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa looga hadlay lacagaha Caalamka deeq ahaan uu u siiyo Soomaaliya kuwaas oo qaarkood Gacanta u gasha Al-Shabaab oo la dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya iyo Dhaqaalaha ka soo gala Gudaha dalka.

Warbixinta oo isugu jirtay Muuqaal iyo Maqal ayaa lagu sheegay in baaritaan uu sameeyay Tv-ga lagu ogaaday in lacagaha Deeqaha ah ee dhanka Gargaarka loogu talo galay ayna bixiso Qaramada Midoobay ay si fudud  ugu Gacangasho Al-Shabaab.

Goobaha ugu badan ee Al-Shabaab ay lacagaha ka helaan ayaa Warbixinta lagu sheegay iyada oo la soo xiganayay Saraakiil horay uga  goosatay Al-Shabaab Xerooyinka Dadka barakacayasha ah ay ku sugan yihiin oo Ganacsato isxilqaamay ay deeqo geeyaan iyo sidoo kale jidgooyooyin u yaalla halka laga soo galo Magaalada Baydhabo oo lacago farabadan lagu qaado.

Madax dhanka Gargaarka u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa horay waxa ay u sheegeen in lacagaha lasiinayo Barakacayasha ay difaac u tahay in Gawaarida raashinka loogu geynayo in la dhaco ama la musuq maasuqo basle ay door bideen in lacago kaash ah lasiiyo.

Dadka Barakacayasha ah Xerooyinka ay ku nool yihiin ayaa Qaramada Midoobay waxa ay ka helan lacag dhan $80 illaa $90 oo Dollar oo ay noloshooda ku maareeyaan halka markii Gawaari raashin loogu qaado ay Al-Shabaab loorkiiba ka qaadaan lacag dhan $3 Dollar taas oo markii la’iskudaro ay lacag farabadan u noqoneyso.

Ugu dambeyn Warbixinta ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay lacago farabadan ka soo gasho lacago Zako ahaan ay uga qaadaan Ganacsatada,waxana Qaramada Midoobay ay shaacisay in Shabaab ay lacago farabadan uga soo xaroodaan koontoroolo ay ku leeyihiin gobolka Baay qiyaastii lacag gaareysaa ilaa  shan kun oo dollar.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media