Al-Shabaab oo la wareegay deegaan ka tirsan gobolka Hiiran

Wararka ay Radio Dalsan ka heleyso qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in ay Shabaab la wareegeen deegaanka Maroodile uu 45km u jira Magaalada Baladweyne ee Xarunt Gobolka Hiiraan.

Xalay ilaa Maanta ayaa la sheegay in Al-Shabaab ay deegaankaas ku soo qaaden weeraro dhowr ah taas oo sababtay in ciidamadii dowladda ee ku sugnaa ay isaga baxaan.

Wariyaha Radio Dalsan ee Gobolka Hiiraan Axmed Dirir Nuur ayaa soo sheegaya in Ciidamada dowladda ay deegaanka Maroodile ay isaga baxeen taas oo keentay in Al-Shabaab ay la wareegaan.

Xaalada deegaanka Maroodile oo hoostaga degmada Farlibaax ee Gobolka Hiiraan ayaa haatan ah mid degan oo ay Gacanta ku hayaan Shabaab.

Ciidamadii dowladda ee halkaasi ka baxay ayaa haatan ku sugan duleedka deegaankaas kuwaas oo dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wada.

Weli dhankooda kama hadlin Maamulka Hir-Shabeelle iyo kan gobolka Hiiraan la wareegitaanka deegaanka Maroodile.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media