Al-Shabaab oo ka hadlay qaraxii ka dhacay Magaalada Baladweyne

Barqanimadii Maanta ayaa qarax ismiidaamin ah waxa uu ka dhacay Afaafka hore ee xarunta maamulka Gobolka Hiiraan qaraxaas oo geestay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay Warbaahinta u sheegeen in qaraxas uusan geysan khasaaro aad u weyn marka laga reebo dhimashada 2 Ruux iyo dhaawaca 15 kale sida uu sheegy gudoomiyaha Gobolka Hiiraan.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada qaraxaasi ismaadaaminta ah iyaga oo ku sheegay in ay waxyeelo ku gaarsiiyeen masuuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Hiiraan iyo Ciidamo.

War qoraal ah oo ay ku soo qoreen baraha ay ku leeyihiin Internet-ka ayaa waxaay ku qoreen in qaraxaasi ay ku dileen 6 Askari oo Saddex ka mid ah ay yihiin Ciidamada Jabuuti oo ka mid ah kuwa Amisom sida ay hadalka u dhigeen.

Wararkii u dambeeyay ee Caawa ayaa waxa ay sheegaayn in xaaladu ay iminka tahay mid degan isla markana Ciidamada Maamulka gobolka Hiiraan ay xireen wadooyinka u dhaw dhw Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media