Al-Shabaab ayaa ka hadlay qaraxii Gaariga loo adeegsaday ee Caawa ka dhacay qeybo ka mid ah Wadada Maka Al-Mukarama,kaas oo aan wax khasaaro ah geysan.
Qaraxa aya ahaa Gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa kaas oo la dhigay ka soo horjeedka Carwo Alkowther,oo u dhow Isgoyska dabka ee Wadada Maka Al-Mukarama.
Al-Shabaab ayaa War ay ku qoreen Barta Internet-ka waxa ay ku sheegeen in Gaarigas qaraxa siday ay la beegsadeen Gaadiid ay wateen ciidamada xasilinta amniga muqdisho,islamarkaana uu khasaaro agarsiiyay sida ay hadalka u dhigeen.
Afhayeenka Wasaarada Amniga Soomaaliya oo Goordhow Warbaahinta kula hadlayay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in qaraxaas uusan geysan wax khasaaro ah,islamarkaana ay ciidamadu fashiliyeen.