Al-Shabaab oo Goordhow dib uga baxay degmada Ceelwaaq

Saakay aroortii Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxa ay weerar ku qaadeen degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, halkaas oo ay ku sugnaayeen Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland.

Weerar kadib ayaa la sheegay in ay la wareegeen Al-Shaabab degmada Ceelwaaq, kadib markii ciidanka dowldda iyo kuwa Jubbaland ay isaga baxeen.

Wararkii u dambeeyay ee haatan nasoo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay goordhow isaga baxeen, degmdas kadib markii lagu arkay diyaarado dul heehaabaya.

Ciidamada Jubbaland iyo kuwa dowladda oo ku sugan meel aan ka fogeyn degmada Ceelwaaq ayaa la sheegayaa in la filan karo in ay degmadaas dib ugu laabtaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media