Al-Shabaab oo Gobolka Shabeellaha Hoose ka fuliyay Xukun Gacan goys ah

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Kuunya Barroow ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab halkaasi ka fuliyeen Xukun Gacan goys ah.

Goob fagaaro ah oo ku taalla deegaanka Kuunya Baroow ayaa la’isugu keenay Boqolaal ka mid ah Shacabka deegaankaas,waxana xukunka Gacan Goynta ah ay Al-Shabaab ku fuliyeen Nin ay ku eedeeyeen in uu geyestay fal Xatooyo ah ah.

Maxkamada Al-Shabaab ee deegaankasa ayaa sheegtay in Ninkaas uu xaday lacago dollar ah,Kumbiyuutaro iyo sidoo kale Mobilo,isla markaana uu qirtay dembiga lagu soo oogay.

Waxaana Maxkamadu sheegtay in Ninkaas lagu xukumay in mid ka mid ah Gacmihiisa la jaro iyo in uu dib u celiyo lacagtii lagu eedeeyay in uu xaday.

Al-Shabaab ayaa deegaanada ay ka maamulaan Bartamaha iyo  Koonfurta Soomaaliya waxa ay ka fuliyaan xukuno isugu jira dil iyo Gacan goyn intaba.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media