Al-Shabaab oo dilay mid ka mid ah Ajaanibta ka dhinac dagaalama

Saraakiil ka tirsan Dowladda Kenya ayaa waxa ay sheegeen in dagaalyahanada Al-Shabaab todobaad kahor ay dileen mid ka mid ah Muwaadiniinta Kenyanka ah ee ka barbar dagaalama Al-Shabaab.

Wargeyska Daily Nation oo soo xiganayay ehelada sarkaalka la dilay oo Magaciisa lagu sheegay Mustaf Hassan Maxamed,ay Al-Shabaab dileen kadib markii uu ka soo horjeestay weerarada Al-Shabaab ay mararka qaar ka fuliyaan qeybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari.

Waxaa la sheegay in waayadaan uu jiray khilaaf soo kala dhexgalay Ninka Kenyaanka ah ee la dilay iyo taliyashiiisa Al-Shabaab isagoo diidanaa weerarada ay Al-Shabaab ka fuliyeen Gudaha Kenya.

Weli Al-Shabaab dhankooda kama hadlin dilka la sheegay in ay u geesteen mid ka mid h Raga Ajaanibta ah ee ka barbar dagaalama gaar ahaan Nin u dhashay dalka Kenya

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media