Al-shabaab oo dhowr qof surka kaga jaray magaalladda Laamu iyo banaanbax ka socda

Dagaalyahano la sheegay inay ka tirsan  yihiin Xarakadda Alshabaab waxay hawlgal ka fuliyeen 2-Xaafad oo ka tiirsan magaalladda Laamu ee dalka Kenya.

Wargeyska Daily Nation ayaa qoray in Dagaalyahano lala xiriirinayo Alshabaab ka dambeeyeen hawlgalkaasi oo ka kala dhacay Deegaanadda Silini-Mashambani and Bobo oo ku yaalla Galbeedka Laamu.

Sarkaal sdare oo ku sugnaa Deegaankaasi oo saakayto la hadlay Wargeyskaasi ayaa sheegay in koox hubeysan ay nin surka uga jareen Silini-Mashambani maqribnimadii shalay.

Sarkaalkaasi oo aan fasax u haysanin inuu la hadlo Saxaafadda waxa uu tilmaamay inuu weerar kale  saqdii dhexe ee xalay ka dhacay  Tuulladda Babo oo ku-dhawaad 3 KM u jirta Tuulladda Silini-Mashambani, isla markaana surka looga jaray 3 nin, waa sida uu hadalka u dhigay.

Gudddomiyaha Laamu, Gilbert Kitiyo waxa uu xaqiijiyey dilalkaasi, wuxuuna xusay inaan weli la ogaanin haddii ay Dagaalamayaasha Alshabaab ka dambeeyeen arrintaasi.

Dilalkaasi ayaa yimid labo isbuuc kadib, markii ay kooxo hubeysan oo ka tirsan Alshabaab ay 4-qof surka kaga jareen Tuulladda Maleli ee Waaxda Witi ee Galbeedka Laamu.

Dhinaca kale, boqolaal ka tirsabn dadka Deegaanka ayaa isugu soo baxay Waddooyinka Deegaanka Hindi, waxayna ugu baaqeen Dowladda Kenya inay xal waara u helaan Ammaan-xumida ka jirta Laamu.

Saraakiisha Boliska ka-hortaga Dibadbaxyadda waxay hawada u rideen rasaas, si ay u kala cayriyaan  dadkii dhigayey Bannaanbaxaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media