Al-Shabaab oo dagaal kula wareegay deegaanka Ceel Cadde

Gelinkii dambe ee Maanta ayaa dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab waxa ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen deegaanka Ceel-Cadde ee Gobolka Hiiraan oo ay Gacanta ku hayeen Maleeshiyaad dadka deegaanka ah.

Weerarka kadib ayaa waxaa bilaawday dagaal mudo saacado ah socday kaas oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah taas oo keentay in Maleeshiyadii deegaanka ay halkaasi isaga baxeen.

Dadka deegaanka qaarkood ayaa waxay Dalsan u sheegeen in deegaanka Ceel Cadde oo 70km u jira Magaalada Baladweyne ay soo galeen Ciidamo ka tirsan kuwa Shabaab oo wata Gaadiidka haatana ay so buuxda u Maamulayaan.

Maleeshiyadii deegaanka ayaa ku sugan duleedka deegaanka Ceel-Cadde,waxaana Wararkii u dambeeyay ay sheegayaan in Caawa isu socodka dadka iyo Ganacsiga deegaanka Ceel-Cadde uu hakad ku jiro.

Dhanka kale wararka ay heleyso Dalsan ayaa waxa ay sheegayaan in duleedka deegaanka Ceel-Cadde ay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wadaan Ciidamada Dowladda kuwaas oo doonaya in deegaankaas ay la wareegeen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media