Al-Shabaab oo Caawa Madaafiic ku garaacay deegaanka Arbacoow

Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ayaa Caawa weerar wax ay ku qaadeen fariisin ciidamada Midowga Afrika ee Amisom ku leeyihiin halka loo yaqaano Arbacoow oo ka tirsan deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Weerar ka hor ayaa waxaa Al-Shabaab ay halkaasi ku weerareen tiro Madaafiic ah,waxana ciidamada Amisom dhankooda ay ugu jawaabeen Madaafiic kale,taas oo keentay in uu bilaawdo dagaal foolka fool ah.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaas,waxaana dadka deeganka qaarkood ay Dalsan u sheegeen in ay maqlayeen hubka noocyadiisa kala duwan oo leysku adeegsanayo.

Wararkii ugu dambeeyay ee haatan na soo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan in kastoo mararka qaar la maqlayo rasaas Goos goos ah oo halkaasi k dhaceysa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media