Al-Shabaab iyo Ciidanka dowladda oo Caawa ku dagaalamay Shabeellaha Hoose

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal Caawa duleedka deegaanka lambar Konton ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dhexmaray Ciidanka dowladda iyo kuwa kuwa Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii fariisin duleedka lambar Konton ku leeyihiin Ciidanka dowladda ay weerar ku soo qaadeen Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo aan la xariirnay ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in dagaalkaas ay ku geeriyoodeen ilaa Saddex ruux halka 5 kale ay ku dhaawacmeen kuwaas oo dhamaantood ah dhinacyadii dagaalamay.

Masuuliyiinta Maamulka deegaanka lambar Konton ee maamulka Koonfur Galbeed ayaan xiriir la sameynay si aan wax uga weeydiino dagaalkaas balse waa ay ka gaabsadeen.

Wararkii u dambeeyay ee hadda naga soo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in xaalada iminka ay tahay mid deggan,islamarkaana Al_Shabaabkii weerarka ku qaaday halkaas ay dib ugu laabteen halkii ay ka soo weerar tageen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media