Aktaradda Shirkadda Aflaanta ee Hollywood oo xaamilo ah + Sawirro

Sida maanta lagu soo daabacay Shabakadda Wararka ee www.ghafla.co.ke  waxaa la hadal hayaa in Aktaradda Reer Kenya ee ka tirsan Shirkadda Aflaanta sameysa ee Hollywood ee lagu magacaabo Lupita Nyongo uur leedahay.

Ilo-wareed aan la shaacinin oo uu Wargeyska soo xigtay ayaa sheegay inay ku talami jirtey  inay mar uu n ilmo dhasho, gaar ahaan xilligan oo ay magac ka samaysatay Shirkadda Hollywood ee Maraykanka.

Aktaradaasi waxay dhawaan xiriirkii uu jartay Saaxiibkeeda Soomaaliga ah ee K’naan, waxayna dib ula saaxiibtay saaxiibkeedii hore ee Jarad Leto oo Fannaan ah.

Lupita Nyongo oo horey ugu guuleysatay Abaalmarinta OSCAR doorkii ay ka qaadatay Filimka “12 Years A Slave” ayaa waxaa isweydiin mudan  qofka ay uurka u leedahay ma K’nan mise Jarad Leto?

Xigasho:- www.ghafla.co.ke/

XAAMILO 2 XAAMILO

kaynaan cabdi Warsame & Lupita Nyongo

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor