Akhriso:Xaalada Baladweyne kadib dagaalkii Maanta ka dhacay

Xaalad deganaansho ah ayaa iminka laga dareemayaa Xaafada howl-Wadsag ee Gudaha Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan halkaas oo Maanta barqadii ay ku wada dagaalameen ciidamo ka tirsan kuwa maamulka gobolka hiiraan iyo kuwa Malaashiyaad ah.

Dagaalka ayaa geestay inta uu socday khasaarooyin isugu jira dhaimsho iyo dhaawac ah,waxana ku geeriyooday hal askari oo ah Ciidamadii wada dagaalmay halka 2 ruux ay ku dhaawacantay.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa waxay sheegayan in xaaladu ay iminka tahay mid degan islamarkaana Goobihii Ganacsiga iyo isu socodka dadka iyo Gaadiidka ee xaafada Howl-Wadaag ayaa dib loo furay waxaan goobtii lagu dagaalamay ku sugan  Ciidamada dowladda Somaaliya.

Majiraan cid dagaalkaas ka hadashay oo ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan Hir-Shabeelle balse waxaa xusida mudan in xaaladu ay sidii hore ku soo laabtay.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media