Akhriso:Wararkii u dambeeyay ee weerarkii xalay iyo khasaaraha ka dhashay

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan ayaa goordhaweyd oo saaka ah soo afjaray howlgal ay tan iyo xalay ka wadeen maqaayadaha Pizza House iyo Posh Treats ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay rag ka tirsan Al-Shabab xoog ku galeen.

Saraakiil ka tirsan ciidanka amniga Soomaaliya oo ku sugan goobta ay shaqaaqadu ka dhacday ayaa xaqiijiyey  in la dilay dhamaan ragii weerarka ku qaaday labada maqaaxi oo ku yaala degmada Hodan.

Saraakiisha ayaa sheegay in dadkii weerarka soo qaaday ay ahaayeen shan nin, kuwaasoo dhamaantood la toogtay, kadib saacado badan oo rasaas is weydaarsanayeen ciidamada Gaashaan ee Soomaaliya.

Wararkii u dambeeyay ee na soo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in xaalada ay iminka tahay mid degan islamarkaana haatan goobihii xalay la weeraray laga soo saarayo meydad horleh ku waas oo isugu jira dad u damaashad tagay iyo qaar ka mid ah Shaqaalaha labada Maqaaxi.

Wasaarada amniga Soomaaliya ayaa xaqiijisay in weerarkaas ay ku geeriyoodeen ilaa 18 ruux halka ay ku dhaawacmeen 20 kale oo isugu jira dad shacab ahaa Ciidamo iyo Shaqaalaha labada Maqaayadood.

Jawiga Goobta ayaa haatan ah mid iska caadi ah waxaana goobta ku sugan Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dad Shacab ah oo baadi goobaya eheladooda ka maqan.

Sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa in dadka ku geeriyooday weerarkaas ay ku jiraan Sadax  Gabdhood oo walaalo ah oo hal meel ku wada sugnaa ka dib markii Bam lagu tuuray qeyb ka mid ah Qolal ay ku dhuumaaleysanayeen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media