Akhriso:Sababta ay dib ugu dhacday Xaflada Caleemo-Saarka Madaxweynaha Galmudug

Warar xog ogaal ah oo ay Dalsan ka heleyso xarunta Madaxtooyada Maamulka Galmudug ee Magaalada Cadaado aya waxay sheegayaan in ay dib u dhacday Xaflada Caleemo-Saaarka Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle(Xaaf)

Munaasabada ayaa qorshuhu ahaa in ay dhacdo 24 Bishaan oo ku beegan Maalinta Arbacada ah ee soo socota,waxaana lagu sheegay sababta ay dib ugu dhacday Xafladda Caleemo-Saarka ay tahay in la filayay in uu ka qeybgalo Madaxweynaha Somaaliya balse haatan uu dalka Dibaddiisa ku maqan yahay.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa waxay sheegayan in ugu dambeen loo qorsheeyay in Caleema-saarka uu dhaco 27 Bishaan oo ku beegan maalinta Sabtidaha ah ee soo socota si uu uga qeybgalo Madaxweynaha Somaaliya Maxamed Cabdullaahi(Farmaajo).

Diyaar garoowgii ugu dambeeyay eek u aadan Caleema-Saarka Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle(Xaaf) ayaa ka socota Magaalada Cadaado waxana ka qeybgeli doona Madaxda ugu sareeysa dowladda Somaaliya iyo Madax ka socota Beesha Caalamka.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media